Friday, February 27, 2015

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI

CABDULLAAHI BINU XUDAAFA AL-SAHMIYI
(1)
Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdigaiyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle. Diinta Islaamka, waxay u suurto gelisay Cabdullahi in uu la kulmo labadii boqor ee jiray wakhtigaas ee kala ahaa Kisraa iyo Qaysar oo kala xukumi jiray Faaris iyo Ruum. Nasiib wanaag, Cabdullahi Binu Xudaafa wuxuu nasiib u yeeshay inuu la kulmo labadaas boqor.
Sheekada la xiriirta la kulankiisa uu la kulmay boqorka Kisraa, waxay ahayd sannadkii lixaad ee hijriyada, ka dib markii uu go’aansaday Rasuulka (scw) inuu u diro qaar ka mid ah asxaabta boqorada cajamta (aan carabta ahayn), si ay ugu yeeraan Diinta Islaamka. Rasuulka wuu dareensanaa dhibaatada ay wadato howshan. Waayo, Saxaabada loo dirayo magaalooyinkaas waa dad aan aqoon luqadaha ay ku hadlaan dadyowgaas, waa magaalooyin fog-fog, taasoo ayan weligood arag. Saxaabadaa waxay dadkaa iyo boqorradadoodaba ugu yeerayaan inay ka tagaan diimaha ay heystaan, isla markaasna ay qaataan diinta Islaamka. Waa safar wata khatar. Waa safar kii safra aan soo noqon, kii soo noqdana uu noqonayo mid nasiib badan. Sidaa darteed, Rasuulka (scw) wuxuu kulmiyay saxaabada, isagoo u jeediyay khudbad. Ilaah ayuu ku mahadiyay, dabadeedna wuxuu Saxaabada ku yiri "Waxaan doonayaa inaan qaarkiin u diro boqorrada cajam ee sidaa darteed ha i khilaafina, sidii ay reer Banuu Isra’il ay u khilaafeen Nebigooda Ciise (cs). Asxaabtii ayaa yiri "Rasuulkii Alloow meeshaad doonto noo dir waan fulinaynaa’e" Haddaba, Rasuulka (scw) wuxuu magacaabay 6 qofood oo ka mid ah asxaabta si ay diinta Islaamka u gaarsiiyaan boqorrada Cajam iyo carbeed.
Lixdii qof ee la magacaabay waxaa ku jiray Cabdullahi Binu Xudaafa Al-Sahmi, waxaana loo doortay inuu gaarsiiyo dhambaalka Rasuulka boqorka Kisraa. Cabdullahi wuxuu u diyaar garoobay safarkiisii, isagoo sagootiyay xaaskiisa iyo caruurtiisa, ka dibna wuxuu u kicitimay safarkii. Waa kelligii oo axad aan Ilaah ahayn lama socdo wuu sii socday ilaa uu ka gaaray magaalooyinka reer Faaris. Markii uu yimi magaaladii uu deganaa boqorka Kisraa, wuxuu weydiistay in uu u soo geli karo boqorka isagoo weliba u sheegay ciidanka Kisraa in uu sido dhambaal ama waraaq ku socoto Kisraa. Boqorka Kisraa wuxuu u fasaxay inuu u soo geli karo Cabdullaahi. Sidii ayuu ku soo galay Cabdullahi Binu Xudaafa oo ay weliba ka muuqato sharafta iyo cisada Islaamka. Kisraa ayaa wuxuu u baaqay ama u ishaaray nin ka mid ah ciidamadiisa inuu ka soo qaado waraaqda uu sido. Hase ahaatee wuu diiday Cabdullahi inuu dhiibo waraaqda, wuxuuna yiri "Rasuulkii Alle ayaa wuxuu i faray inaan gacanta kaa saaro waraaqda, mana laga yaabo inaan khilaafo amarka Rasuulka (scw)". Intaa ka dibna boqorka Kisraa ayaa wuxuu ku yiri ninkii faraha ka qaad ha ii soo dhowaado’e, ka dibna wuxuu Cabdullahi u dhiibay Kisraa waraaqdii uu uga siday Rasuulka (scw). Waxaa loo yeeray tarjumaan Carabi ah ee ah reer "Xiyara" (magaalo ku taalla Ciraaq).
Waraaqdii ayaa la furay, deedna waa la aqriyay waxaana ku qornaa sida soo socota "Magaca Alle ka dib, warqaddan waxay ka socotaa Muxammad oo ah Rasuulkii Alle, waxayna ku socotaa Kisraa ee ahaa boqorkii Faaris, Nabad gelyo Allaha yeelo ciddii raacda hanuunka". Markii uu intaa maqlay Kisraa aad ayuu u carooday, waraaqdiinna wuu ka dafay oo isla markiiba wuu jeejeexay, isagoo aan ogaan waxa kalee waraaqda ku xiran dhameystirkeeda, isla markaana uu qalylinayo isagoo leh "Ma sidatan ayuu waraaqda iigu soo qorayaa waraaqda isagoo ah addoonkayga"
Binu xudaafa wuxuu ka dhaqaaqay fadhigii uu Kisraa fadhiyay, isagoo aan garanayn waxa lagu sameyn doono. In la dili doono iyo in faraha laga qaadi doono. Hase ahaatee, wuxuu Cabdullaahi naftiisa ku yiri "Waxba igama gelin marba haddiiba aan gutay amaanadii iyo dhambaalkii Rasuulka (scw) ee uu ii soo dhiibay. Boqorkii Kisraa, markii ay carada ka dentay ayaa wuxuu ciidamadiisa amar ku siiyay in la soo qabto Cabdullaahi Binu Xudaafa. Nasiib wanaag, ma ayan soo helin oo waxay ogaadeen inuu gaaray Jasiiradda Carabta. Cabdullaahi Binu Xudaafa, wuxuu yimi magaaladii Madiina, isagoo la kulmay Rasuulka (scw), wuxuuna Rasuulka (scw) uga waramay wixii uu kala kulmay boqorkii Kisraa iyo inuu jeejeexay waraaqdii uu u siday. Rasuulka (scw) aad ayuu uga carooday arrinkaa, wuxuuna Illaah ka baryay inuu ciribtiro boqortooyada Kisraa. Habaarkii Rasuulka (scw) waa la aqbalay, oo wuxuu Illaah ku salliday (sababay) Kisraa wilkiisa "Shiiraweeh", halkaas oo uu ku dilay. Taasi waxay ahayd sheekadii dhexmartay Cabdullaahi Binu Xudaafa iyo boqorka Kisraa.
La kulankii C/llaahi ee Qaysar:
Haddaan u gudagalno sheekadii Cabdullaahi Binu Xudaafaee la xiriirtay la kulankiisa boqorka Qaysar ee xukumay Ruum. Waxay ahayd xilligii khilaafada Cumar Binu Khaddaab (rc), sannadkii sagaal iyo tobanaad ee Hijriga. Wuxuu Cumar Binu Khaddaab (rc) diyaariyay ciidan la dagaalanta ciidanka Roomaanka ee uu xukumay boqorka Qaysar. Boqorka Qaysar wuxuu ciidanskiisa amar ku siiyay in haddii ay ku guuleystaan in ay soo qabtaan qof ka mid ah ciidamada Muslimiinta ay u keenaan, ka hor inta ayan dilin. Illaahay, wuxuu doonay in la soo qabto Cabdullaahi binu Xudaafa, waxaa loo keenay boqorka Qaysar, iyadoo boqorka loo sheegay inuu C/llaahi Binu Xudaafa ka mid yahay saxaabadii Nebiga (scw) ee mar hore islaamay.
Boqorka Qaysar wuxuu si aad ah u eegay Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu ku yiri "Waxaan kuu bandhigayaa arrin". Cabdullaahi ayaa ku iri "waa maxay!?". Boqorka Qaysar: "In aad noqoto kirishtaan, haddii aad yeesho faraha ayaan kaa qaadayaa oo ku dili maayo, dhinaca kale waan ku wanaajinayaa". Cabdullaahi Binu Xudaafa ayaa si geesinimo ku jirta u yiri "Lagama yaabo! geerida ayaa kun jeer ka jeclahay inaan kirishtaan noqdo".
Boqorka Qaysar ayaa haddana yiri "Haddii aad yeesho waxa aan kuugu yeerayo ee galnimada ah waxaan qayb kaa siinayaa boqortooyadayda". Cabdullaahi ayaa muusooday isagoo weliba ku xir-xiran silsilad, wuxuuna yiri "Wallaahi, haddii aad iigu deeqdid dhammaan wixii hanti ah ee aad leedahay, iyo waxa ay boqorrada carabta haystaan oo maal ah si markaas diinta uga laabto il-biriqsi ma aan sameeyeen". Boqorkii ayaa wuxuu yiri "Haddaba, waan ku dilayaa". Cabdullaahi ayaa yiri "waxaad doonto samee". Intaa ka dib, boqorka Qaysar wuxuu amar ciidamadiisa ku siiyay in la daldalo Cabdullaahi, isagoo amar siiyay nimankiisa wax toogta/shiisha, isagoo kula hadlay afka laatiinka ee ay ku hadli jireen Roomaanka, wuxuuna ku yiri toogta meel u dhow labadiisa gacmood, laakiin isaga ha ku dhufanina". Isla mar ahaantaana wuxuu u bandhigayay inuu gaaloobo. Cabdullaahi, haddana wuu diiday. Boqorka, ayaa haddana yiri toogta meel u dhow labadiisa lugood.
Intaa ka dib, wuxuu boqorka amar ku bixiyay in laga soo dejiyo tiirkii uu ku xirnaa, ka dibna wuxuu codsaday in loo keeno dheri. Dherigii ayaa waxaa lagu shubay saliid, dabadeedna dherigii ayaa dabka la saaray ilaa ay saliiddii ka karkarto. Wuxuu yiri boqorkii, ha la ii keeno labo ka mid ah maxaabiistii Muslimiinta. Midkood ayaa lagu riday dherigii karkayay, wax yar ka dibna hilibkiisa ayaa kala tagay oo cad-cad u gogo’ay, lafihiisana way muuqdeen. Kii kalena, sidaasoo kale ayaa lagu sameeyay. Intaasoo dhan Cabdullaahi wuu arkayaa, waxaana la doonayay inuu cabsado.
Boqorka Qaysar, ayaa wuxuu deymooday Cabdullaahi isagoo ugu yeeray gaalnimo. Hase ahaatee, Cabdullaahi sidii si ka sii daran ayuu u diiday inuu ka laabto diinta Islaamka. Markii uu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu amar ku bixiyay in isna lagu rido dherigii lagu riday labadiisa saaxiib. Markii loo qaaday xaggii dheriga ayaa Cabdullaahi ilmeeyay (ooyay). Raggii Qaysar ayaa ku yiri boqorka "wuu oonayaa". Boqorkii ayaa wuxuu u maleeyay inuu cabsaday oo argagaxay, markaasuu yiri igu soo celiya. Kolkii, Cabdullaahi la soo istaajiyay boqorka hortiisa, ayaa wuxuu boqorkii haddana u soo jeediyay kiristaanimadii, laakiinse Cabdullaahi wuu diiday. Boqorkii ayaa yiri, war haddaba maxaa kaa oohiyay?. Cabdullaahi ayaa yiri, waxaan naftaydii u sheegay in hadda la igu tuuri doono dherigan oo aan hal jeer shahiidoobayo, anna waxaana jeclaa in aan lahaado inta jirkayga timo ku taallo oo naf ah inaan lahaado, oo markaas lagu rido dhammaantood dherigan. Wuxuu ka wadaa inuu dhowr jeer shahiido.

Markuu boqorkii ka quustay Cabdullaahi, ayaa wuxuu ku yiri cabdullaahi "Ma doonaysaa inaad madaxa iga dhunkatid, markaasna aan ku siidaayo?. Cabdullaahi ayaa wuxuu yiri, ma siidaynaysaa maxaabiista Muslimiintana. Boqorka ayaa yiri "Haa, oo waan sii daynayaa dhammaan maxaabiista muslimiinta". Cabdullaahi, wuxuu naftiisa ku yiri maxay ku yeelaysaa inaad dhunkato madax ka mid cadowga Muslimiinta oo markaas aan ku badbaado anniga iyo maxaabiista Muslimiinta. Cabdullaahi, wuxuu u soo dhowaaday boqorkii, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxiisa. Boqorkii ayaa soo daayay Cabdullaahi iyo dhammaan maxaabiista Muslimiinta. Markii uu Cabdullaahi u soo galay Cumar Binu Khaddaab (rc), ayaa wuxuu uga waramay wixii uu la kulmay. Cumar (rc) aad iyo aad ayuu ugu farxay arrinkaas, wuxuuna u jileecay maxaabiistii la socotay isagoo ku yiri "Waxaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah inuu dhunkado madaxa Cabdullaahi Binu Xudaafa, annigaana bilaabaya. Cumar ayaa istaagay, ka dibna wuxuu dhunkaday madaxa Cabdullaahi. Illaah ha ka raalli noqdo Cabdullaahi, waayo wuxuu ahaa tusaale looga deydo geesinimo.

xigasho: http://somalitalk.com/saxaabada/1.html

ogeysiis muhiim ah







waxaa la ogeysiinayaa aqristayaasha web-ka in aan insha'allaah bilaabi doonno taariikhda saxaabada  oo aan ka soo xigan doonno webka caalamiga ah ee somalitalk.com
hadaba kala soco halkaan insha'allaah qof kii u baahan in uu copy-gareeyo waa u fasaxanyahay  ducadana hanaga hilmaamina insha'allaaaah

Monday, February 23, 2015

deb ka kacay black sea

debkaan ayaa kacay meel shidaal lagu iibiyo iyadoona saacado kadib ay soo gaareen deb demisyo ka socda shirkado kamid ah shirkadaha magaalada muqdisho

halkaan  ka daawo sawirka debka oo meel dheer laga sawiray:










Thursday, February 19, 2015

BARO DALKAAGA




















waa warbixin kooban oo ka hadlaysa gobolada dalka soomaaliya iyo degmooyinkooda oo aan dhamaystinayn

Thursday, February 12, 2015

Su’aalo iyo jawaabo diini ah



Su’aalo iyo jawaabo diini ah













s- Sheeg magaca nabiga scw oo sedexan ?
j- waa muxamad bin cabdillaahi bin cabdil-mudhalib
s- sheeg hooyada nabiga scw magaceeda?
j- waa aamina bint wahab
s- sheegmagacyadawiilashanabigascw?
j- waxey kala yihiin 1- cabdullaahi  2- qaasim   3-ibraahiim labada hore waxaa dhalay umunaa khadiija bint khuweylid allaha ka raalli noqdee wiilka dambe ee ibraahiim waxaa dhalay maariyatu-qibdiyah
s- sheeg gabdhaha nabiga scw magacyadooda ?
j- waxey kalayihiin: 1-ruqiya  2- umu-kalthuum  3- zaynab   4- faaduma  , dhamaantood waxaa dhalay hooyadeen khadiija bint khuweylid rc
s- sheeg saxaabigii faraska ka orod badnaa magaciisa?
j- waxaal agu magacaabaa salamata binul-akwac rc
s- sheeg saxaabigii lagu naaneysay sayfullaahi?
j- waa khaalid bin waliid rc
s- sheeg saxaabigii lagu naaneysay sayidkii shuhadada?
j- waa xamza bin cabdul-mudhalib rc adeerkii nabiga scw.
s- sheeg saxaabigii madaxa ka soo gooyay abuu jahal ?
j- waa cabdullaahi binu mascuud rc
s- sheeg saxaabigii sunta cabay ee eysan waxaba yeelin?
j- waa khaalid binu waliid rc
s- sheeg saxaabigii adinka kuriyooday ?
j- waa cabdullaahi binu zayd binu cadi-rabihi rc
s- sheeg mu’adinkii nabiga scw?
j- waa bilaal bin rawaaxa rc
s- sheeg gabayaagii nabiga scw?
j- waa xassaan bin thaabit rc
s- sheeg saxaabigii u madaxda ahaa asxaabtii kale ee dishay kacab ibnul-ashraf ?
j- waxaa u madax ahaa cabdullaahi binu maslama rc
s- sheeg yaa furtay andalus (dhulka hada la yiraahdo spain)?
j-waxaa furtay dhaariq binu ziyaad raximuhullaaah
s- sheeg wiilkii da’yarka muslimka ahaa ee furtay dhulka india?
j- waxaa lagu magacaabaa muxamed binu qaasim raximahullaah.
s- sheeg salad janaazatul ghaa’ib ah ninkii nabigu u tukaday scw?
j- wuxuu ahaa boqorkii xabashida ee muslimka ahaa najaashi oo nabigu markuu najaashi dhintay ugu tukaday janaazo ghaa’ib ah.
Waxaaqoray: maahirjimcaale
Fg: sidoo kale qisooyin hadii aad u baahantahay ka aqriso webkeyga kale ee hoos ku qoran


Sunday, February 8, 2015

maahmaahyo xarafka ''c''

Xarafka”C”

1. Caana daatay dabadood la qabay
2. Caano baqay haddaad aragto, waa bi’iso naagood.
3. Caano Jiilaal canba canbid.
4. Caano yar iyo ciidan yarba marka la waayo ayaa la tebaa.
5. Caasigaa iridkaaga ma mooga, baarri dadow dad kuuma noqdo.
6. Cabaabiba cadaab bay ka subxaanalaysataa.
7. Cadawgaa looma taahee, tun ku adkay.
8. Cadho walaal waa la bariyaa (waa loo dulqaataa walaalkaa).
9. Cadku ceeji, xil iyo geeriba kuu dil.
10. Calafkaa, nin ku rabaa baa haya.
11. Caleen qudhac calool geel ma buuxiso.
12. Caleen qudhac calool geel waxba kama tarto.
13. Cali noolba wax sii.
14. Calool adayg waa illaahay wehelkii.
15. Calool rag waa webi xagaa.
16. Canaan ka yaab ceesaan ma doojo(waa lagu canaanan dantaada looma seego).
17. Canaan ka yaab reer ma doojo.
18. Canbe laf baa ku jirta.
19. Canjeero siday u kala koreysaa loo cunaa
20. Caqli gaaliyo indho quraanjo lama arko.
21. Caqli: Dugaag sankuu ka galay; Xoolo, sankuu ka galay; Rag, xabadkuu ka galay; Naago, indhuu ka gala
22. Car faruurow foori gaalee?
23. Carab iyo ilkaa cid isugu dhaw iyana weeys qaniinaan.
24. Carab iyo labadiisa daan baa isugu dhaw iyana way is qaniinaan.
25. Carab loaad caws looma tilmaamo.
26. Caro walaal waa la bariiyaa (subax baa lala sugaa).
27. Carraabo, fadhaa quusiyey
28. Carrab dalab leh waa la gartaa, uur dadbanse lama garto.
29. Carruurey cayntaa ba´day.
30. Carruuri kor cabsooday leedahaye, kal cabsooda ma leh
31. Carruurta mulaca cayaar cayaar bay u dishaa, isagana waa u qur gooyo
32. Caruur gaalana ma aha muslinna ma aha ee waa kii lagu daraa.
33. Caruuri waa ciil laga waynaado.,
34. Casaan qurux kama qatana.
35. Casarkii wixii kugu dhacaa cishihii lagugu caayaa.
36. Ceeb looma dhinto, cara lalama qarxo, cayna looma dhaawacmo
37. Ceebtaaday kow ogtahay, kun looma sheego.
38. Ceel biyo lihi ma foga.
39. Ceel dad liqa, ul baa lagu dayaa.
40. Ceesaan ninkii weyddiinteda kugu dhiba kaxaynteedaa lagu dhibaa.
41. Ceesaantii arigeeda diidda orgi shisheeyaa saarta (fuula, u baxa ama ka qabsada).
42. Cid wax kusiisa wax badan baad aragtaa, cid kla talisase wax yar
43. Cidlo ciirsi m leh.
44. Ciirtaa dhamaa, ceebtaada yaqaan
45. Ciise socod kuma laabna, abeesona samir kuma laabna.
46. Cirmigaagoo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa.
47. Ciyaar baa dhab u gadoonta.
48. Ciyi waa ka beryey.
49. Ciyigii waa ka beryey qofkii cunay baa ka liita.
50. Ciyowga habeen dhawaaqay wax uu ka cawduu dareemay.
51. Col hortii baa hub la samaystaa.
52. Col iyo abaar cagahaagaa lagaga baxaa.
53. Col iyo nabad mid baa caynka lagu xejiyaa.
54. Col ku galay cabsi kugu reeb.
55. Col naago ka kacay iyo cadho nirig ka kcday midna ma sahal kuma qaboobo.
56. Colka wadhaf ma lagu dayey.
57. Colkaa ma dhamaadee ka kuu xigo ha u danbeeyo.
58. Cudud caano gaabsheen cagaar ma korsho.
59. Culimo dad u eki bay kugu dishaa, abeesona dhul u eki.
60. Cuntadaan gacantaada ku jirin iyo afkaagu way kala raagaan

xigasho:https://ruunyo.wordpress.com/page/8/



Thursday, February 5, 2015

Imaam Jalaaludiin As-Suyuudi

Imaam Jalaaludiin As-Suyuudi


Bismillah

Magaca Imaamku waa  Cabdiraxmaan bin Al kamaal Abibakar bin Muxamed Saabiqdiin Al khudeyri  Al Asyuut  ee kuna caan baxay Jalaaludiin As-Suyuudi.
Dhalashadiisa & Caruurnimadiisa.
Imaam Suyuudi waxuu dhashay bishii Rajab sanadka hijriga markuu ahaa (849),taarikhda miilaadigana ku began bisha Septemper 1445 . Waxuuna ku dhashay magaalada Cairo.
Imaamka waxuu ka dhashay Qoys ku caan baxay cilmi oo ahana reer ehlu diin ah. Aabihii waxuu geeriyooday asagoo 6 sano jira ,waxuuna ku barbaaray agoon-nimo.  Isla isagoo 6 sano jira ayuuna bilaabay inuu xifido Qur’aanka, Waxuuna xifdiyay isagoon gaadhin 8 sanno. Da’dan intuu ku jiray waxuu Imaamku xifdiyey kutubada kala ah sida(cumdatul axkaam , minhaaj al fiqhi , Al usuul ,Alfiyatu ibnu maalik).
Culumadii la wareegey barbaarinta imaamka ee uu aabihiina kula dardaarmay waxaa kamid ahaa “Al Kamaal ibnu Hammaam al Xanafi”.  Waxuuna ahaa culumada casrigiisa ugu faqiihsanaa,  imaamkuna aad buu ugu raadyeeshey sheekhaas.
Shuyuukhdiisa/ Culimadiisa
Cilmiga barashadiisa waxuu bilaabay imaamku taarikhdu markay ahayd 864hj/ 1459 milaadiga. Waxuuna bartay fiqiga,naxwaha iyo faraa’idka. Muddo labo sano ah isagoo wadda ayuu helay ijaazo oo waxaa loo ogalaadayba inuu dadka mucalim u noqdo oo uu baro luqada carabiga.
Isla sanadkaas wuxuu alifay ” شرح الاستعاذة و البسلمة”,Sheekhisa ahaa Siraajudiin al Balqani ayaa ku amaanay oo ugu mahadceliyay.
Imaamka qorshihiisu wuxuu ahaa inuu doorto hal sheekh  kaliya oo  uu wax ka barto, hadii uu dhintana inuu mid kale u badasho. Sheekhyadiisa sheekha ugu weyn waxuu ahaa Muxyidiin al Kaafiiji. Wuxuuna la joogay oo uu wax ka baranayay 14 sano, waxuuna ugu naanaysay sheekaas Ustaadul Wujuud.
Waxaa sidoo kale culimadiisa kamid ahaa:
·         Sharafudiin Al Manaawi, wuxuuna ka qaatay Qur’aanka iyo fiqiga.
·         Taqqiyu diin A-shibli, wuxuuna ka bartay xadiithka muddo 4 sano ah. Markuu dhintayna wuxuu laazimay imaam Al kaafiiji wuxuuna la joogay 14 sano. Waxuuna ka bartay التفسير, والاصول , و العربية , و المعاني
·         Jalaaludiin Al Mxallaa.
·         Al Marzabaani
·         Al afsaraa’i
·         Al Cizi al Xanbali.
Iyo culima kaloo badan
Sidoo Kale imaamku waxuu cilmul xadiithka ka bartay 150 caalim. Culimadaas oo ahaa kuwa ku tagay cilmul xadith. Imaamka culumadiisu kuma koobneen raga kaliya ee waxaa kamid ahaa xataa dumar. Sida: Aasiya bintu Jaarulaah ibnu Saalax, Umu Haani bintu abii Xasan Al Hraweyni, Umu Fadhal bintu Muxammed al Maqdisi iyo Kamaaliya bintu Muxamed al Haashimiyya.
Socdaaladii Sheekha.
Imaamka wuxuu u safray oo ku wareegay Masar sida Dimyaat, Kalfiyoom . Sidoo kale waxuu u safray bilaadu Shaam, Yemen, Hindia , Marroco iyo weliba Xijaaz oo uu ka cabay biyaha zamzamka , markuu cabayayna niyadda gashaday inuu fiqhiga ka gaadho darajada Siraajudiin al Balqiini , Xadiiskana Ibnu Xajar Al Casqalaani oo kale.
Ardaydiisa:
Imaamka ardaydiisa waxaa uga caansanaa:
·         Shamsu diin A-Daa’uudi oo ah sheekha leh kitaabka “Dabaqaatul Mufasiriin”.
·         Shamsudiin Ibnu Dhuuluun.
·         Shamsudiin Shaami
·         Ibnu Iyaas oo ah imaamka leh “Badaa’ic Az Zuhuur”
Mu’alifadkiisa/ Kutub alifaadiisa.
Taariikhdu markay ahayd 871hj / 1466 milaadiga wuxuu u fariistay Imaamku inuu fatwoodo, wuxuuna noqday nin cilmiga daraja ka gaaray. Hadaladiisa waxaa kamid ahaa inuu yidhi
رزقت التبحر في سبعة علوم, الحديث,و التفسير , و الفقه ,و النحو,والمعاني ,و البيان, و البديع
Waxaanse ugu darayaa inuu Ilaahay ku irzaaqay , Usuul fiqhi, Jaduul iyo Cilmul Qir’aat.
Sidoo kale Imaamka wuxuu aad xooga u saari jiray cilmiga xadiithka wuxuuna shegtey inuu xifdiyey 200kun oo xadiith, darajo aad u sareeysana wuu ku gaaray faniga xadiithka.
Imaamka wuxuu alifay ugu yaran 600 kutub. Waxuuna ka alifay culuumta kala ah sida: Tafsiir, Xadiith, Balaqhah, Naxwe, Fiqhi, Usuul, Taariikh, Adab iyo Tasawuf.
Kutubtiisa qaar:
·         الجامع الصغير من حديث البشير النذير
·         الجامع الكبير
·         ألفية السيوطي
·         أسباب ورود الحديث
·         تدريب الراوى في شرح تقريب النواوي
·         طبقات الحفّاظ
·         عين الإصابة في معرفة الصحابة
·         كشف المغطي في شرح الموطأ
·         لب اللباب في تحرير الأنساب
·         لباب الحديث
·         لباب النقول في أسباب النزول
 
Geeridii Imaamka
Imaamku waxuu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalay meel u dhow webiga Niil ee (Qahira), bishu markay ahayd  (19 Jamad al ulaa 911/hj ama 20-october 1505) waxaana lagu aasay qabriga aabihii dhinaciisa Kasoo ku yaalay agagaarka Masjid ku yaala Asyuut.
Wallahu Tacalaa Aclaa wa axkam