Thursday, February 12, 2015

Su’aalo iyo jawaabo diini ah



Su’aalo iyo jawaabo diini ah













s- Sheeg magaca nabiga scw oo sedexan ?
j- waa muxamad bin cabdillaahi bin cabdil-mudhalib
s- sheeg hooyada nabiga scw magaceeda?
j- waa aamina bint wahab
s- sheegmagacyadawiilashanabigascw?
j- waxey kala yihiin 1- cabdullaahi  2- qaasim   3-ibraahiim labada hore waxaa dhalay umunaa khadiija bint khuweylid allaha ka raalli noqdee wiilka dambe ee ibraahiim waxaa dhalay maariyatu-qibdiyah
s- sheeg gabdhaha nabiga scw magacyadooda ?
j- waxey kalayihiin: 1-ruqiya  2- umu-kalthuum  3- zaynab   4- faaduma  , dhamaantood waxaa dhalay hooyadeen khadiija bint khuweylid rc
s- sheeg saxaabigii faraska ka orod badnaa magaciisa?
j- waxaal agu magacaabaa salamata binul-akwac rc
s- sheeg saxaabigii lagu naaneysay sayfullaahi?
j- waa khaalid bin waliid rc
s- sheeg saxaabigii lagu naaneysay sayidkii shuhadada?
j- waa xamza bin cabdul-mudhalib rc adeerkii nabiga scw.
s- sheeg saxaabigii madaxa ka soo gooyay abuu jahal ?
j- waa cabdullaahi binu mascuud rc
s- sheeg saxaabigii sunta cabay ee eysan waxaba yeelin?
j- waa khaalid binu waliid rc
s- sheeg saxaabigii adinka kuriyooday ?
j- waa cabdullaahi binu zayd binu cadi-rabihi rc
s- sheeg mu’adinkii nabiga scw?
j- waa bilaal bin rawaaxa rc
s- sheeg gabayaagii nabiga scw?
j- waa xassaan bin thaabit rc
s- sheeg saxaabigii u madaxda ahaa asxaabtii kale ee dishay kacab ibnul-ashraf ?
j- waxaa u madax ahaa cabdullaahi binu maslama rc
s- sheeg yaa furtay andalus (dhulka hada la yiraahdo spain)?
j-waxaa furtay dhaariq binu ziyaad raximuhullaaah
s- sheeg wiilkii da’yarka muslimka ahaa ee furtay dhulka india?
j- waxaa lagu magacaabaa muxamed binu qaasim raximahullaah.
s- sheeg salad janaazatul ghaa’ib ah ninkii nabigu u tukaday scw?
j- wuxuu ahaa boqorkii xabashida ee muslimka ahaa najaashi oo nabigu markuu najaashi dhintay ugu tukaday janaazo ghaa’ib ah.
Waxaaqoray: maahirjimcaale
Fg: sidoo kale qisooyin hadii aad u baahantahay ka aqriso webkeyga kale ee hoos ku qoran


No comments: