Thursday, April 23, 2015

SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI

SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI

"SACIID BINU CAAMIR WAA NIN AAKHIRADA KA DOORTAY ADDUUNYADA, WUXUUNA ALLE IYO RASUULKIISA KA DOORTAY WIXII IYAGA KA SOO HARAY"

(10)

SACIID OO AAN ISLAAMIN:
Wiilkii dhalinyarada ahaa ee la oran jiray Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa kumanaankii kun ee yimid degmada Tanciim ee ku taallay agagaarka magaalada Makka, si ay u ajiibaan yeeristii ay u yeereen madaxdii Qureysh, iyo weliba si ay u daawadaan toogashadii ama dilkii saxaabiga la yiraahdo Khubeyb Binu Caddiyyi (rc), oo ka mid ahaa asxaabtii Nebi Muxammad (scw) ka dib markii gaaladii qureysh ay ku guuleysteen inay soo qabtaan/qafaashaan Khubeyb.
Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi Ilaah ka raalli noqdee waxay u suurto galisay dhalinyaranimadiisii inuu arko kii ay qafaasheen gaaladii Qureysh (waa Khubeyb’e) isagoo weliba gacmaha iyo lugaha ka xir-xiran, iyadoo weliba dumarkii, caruurtii iyo odayaashiina ay u fafakanayaan oo u baxsanayaan si ay uga aar-goostaan Khubeyb dadkoodii lagaga laayey dagaalkii Badr.
Dadkii faraha badnaa markii ay isugu yimaadeen goobtii lagu tooganayay Khubeyb Binu Caddiyyi ayaa Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi u diyaargaroobay sidii uu arki lahaa Khubeyb, markaas iyada ahna Khubeyb loo wado tiirka toogashada. Saciid wuxuu Khubeyb ka maqlay hadal uu si hoos ahaan ugu yiri gaaladii tooganaysay, hadalkaasina wuxuu ahaa: "haddaad doontaan ii oggolaada si aan u tukado labo rakcadood kahor intaydan i dilin". Waa loo ogolaaday.
Saciid ayaa wuxuu eegay salaaddii Khubeyb, isagoo u jeestay kacbada si uu u tukado labo rakcadood. Saciid oo aad u jeclaystay salaadihii Khubeyb ayaa wuxuu yiri: "alla yaa ka qurux badnaa, alla yaa ka dhammeystir badnaa labadaasi rakcadood" Khubeyb Binu Caddiyyi kolkuu salaaddii dhammeeyay ayaa wuxuu gaaladii ku yiri: "wallaahi haddaanan ka cabsanaynin inaad u qaadataan inaan salaadda u dheereeyay cabsida aan ka cabsanayo geeri awgeed, waxaan dheereen lahaa salaadda".
Saciid Binu Caamir wuxuu joogay dilkii Khubeyb iyo sidii sida aan naxariista laheyn jirkiisa loo googooyay, markaasna gaalada ay Khubeyb ku leeyihiin: "ma jeceshahay in silican oo kale lagu sameeyo Muxammad, adigana markaas aad nabad gesho", uuna lahaa Khubeyb isagoo dhiig baxaya hadalkan: "wallaahi ma jecli inaan noqdo qof nabad qaba, Nebi Muxammadna ay muddo qodax". Dadkii yimid goobtii toogashada ee gaalada ahaa ayaa si kor ahaan u dhawaaqayay, iyagoo lahaa: "dila.., dila.."
Saciid Binu Cumar wuxuu si naxariis ay ku jirto u eegey Khubeyb oo markaas indhihiisa kor ugu qaadaya xagga cirka, isagoo habaaraya gaaladii sidan u silcisay, wuxuuna lahaa: "Ilaahoow dhammaantood ciribtir, mid-midna u laay oo cid iyaga ka mid ahi ha ka tegin". Wax yar dabadeedna wuu naf baxay oo wuu dhintay, iyadoo uusan qof tirin kara dhaawacyadii soo gaarey Khubeyb uusan jirin.
SACIID OO SAAMEYSAY DILKII KHUBEYB:
Gaaladii Qureysh waxay u soo laabteen guryahoodii, wayna iska iloobeen dilkii iyo toogashadii soo gaarey Khubeyb. Hase ahaatee Saciid Binu Caamir dhalinyarana ahaa (xilligaas aan qaangaarin) marnaba xiskiisa kama maqnaanin wixii Khubeyb soo gaaray maalintaas. Wuxuu ku arki jiray hurddada (riyada) hadduu seexdo, dhinaca kalena wuu ka fekeri jiray hadduu soo jeedo. Waxaa hortiisa iman jiray isagoo Khubeyb tukanaya tiirka hortiisa labadii rakcadood ee xasilloonida iyo degganaanshaha wadatey, wuxuuna maqlayay hadalkiisii dabancsanaa ee uu ku habaarayay gaaladii Qureysh. Saciid wuxuu markasta ka cabsan jiray in kuwii laayey Khubeyb ay xagga cirka kaga timaaddo ciqaab weyn, amaba lagaga soo rido xagga cirka dhagax weyn. Xilligaas iyada ahayd Saciid ma uusan islaamin.
Allaha u naxariistee Khubeyb wuxuu Saciid baray wax uusan aqoonin hadda ka hor. Wuxuu baray in nolosha dhabta ahi ay tahay caqiido iyo jihaad lagu gaaro waddada caqiidada ilaa ay geerida ka timaaddo. Sidoo kale wuxuu Khubeyb baray Saciid in iimaanka xeesha dheer uu sameeyo falal iyo mucjisooyin la yaab leh. Wuxuu baray arrin kale, oo ah in Nebiga (scw) ay jecel yihiin asxaabtiisa uu yahay Nebi laga taageersan yahay xagga samada.
ISLAAMIDDII SACIID BINU CAAMIR AL-JUMAXI:
Markey arrintu halkaas mareyso wuxuu Ilaah (sw) u waasiciyay laabta Saciid Islaamka. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wuxuu Saciid ka dhex istaagey dad aad u fara badan dhexdooda, isagoo dadkii ogeysiiyay inuu barri ka yahay denbiyadii ay sameeyeen gaaladii qureysh, dhinaca kalena uu ka baxay cibaadadii asnaamta iyo in uu soo galay diinta Islaamka. Saciid Binu Caamir wuxuu u haajiray magaalada Madiina, isagoo wixii intaa ka danbeeyay laasimay la joogista Rasuulka (scw), wuxuuna isagoo Rasuulka (scw) la socda ka qayb galay duulimaadkii Kheybar iyo wixii ka danbeeyay.
Markii Nebiga (scw) la oofsaday oo uu dhintay, Saciid Binu Caamir waxa uu noqday sida seef galka ka baxday oo ay adeegsadaan labada khulafo ee Abuubakar iyo Cumar (rc). Saciid wuxuu noqday tusaale laga shidaal qaato, sida isagoo looga tusaale qaato mu’minkii adduunyadiisa aakhiro ku iibsaday, wuxuuna raalli ahaanshaha iyo abaal-marka Eebbe (sw) ka doortay dhammaan wixii ay naftu jeclayd oo shahawaad ah.
ASXAABTA SI GOONNI AH AYEEY U QADDARIN JIREEN SACIID:
Dhammaan asxaabta Nebiga (scw) waxay ogaayeen cabsida iyo iimaanka xeesha dheer ee Saciid, sidaa darteed si aad ah ayeey u qaddarin jireen markasta Saciid. Tusaale haddaan u soo qaadanno, Abuubakar iyo Cumar labadooduba Ilaah ha ka raalli noqdee, waxay ogaayeen inuu Saciid ku sifoobay astaamaha runta iyo cabsida Alle, markastana waxay maqli jireen nasteexada iyo waanada uu u soo jeediyo iyaga.
Maalin maalamaha ka mid ah ayaa waxaa Cumar Binu Khaddaab u soo galay Saciid Binu Caamir, waxayna ahayd xilligii billowga khilaafada Cumar. Saciid wuxuu Cumar ku yiri: "Cumaroow waxaan kuu dardaarmayaa inaad Alle uga cabsatid dadka, dadkana aadan Alle uga cabsan, inuusan is-khilaafin ficilkaaga iyo hadalkaaga, hadalka waxaa ugu kheyr badan kan ficilka rumeeyo.. Cumaroow indhaha ku hay muslimiinta uu Alle madaxda kaaga dhigay, kooda dhow iyo kooda fogba, waxaad iyaga la jeclaataa waxaad naftaada iyo reerkaaga la jeceshahay, waxaad iyaga la necbaataa waxa aad naftaada iyo reerkaaga la necebtahay, xaqa gaarsiintiisa waxaad u jirsataa buur kasta, Ilaahna cidna ha uga cabsan".
Cumar baa wuxuu Saciid ku yiri: "Saciidoow yaa awoodi kara". Saciid ayaa wuxuu yiri: "waxaa awoodi kara nin adigoo kale ah oo uu Alle u dhiibay umuurta ummadda Nebi Muxammad (scw). Intaas ka dib, wuxuu Cumar Binu Khaddaab ugu yeeray Saciid inuu maamulkiisa wax uga dhiibo, wuxuuna yiri: "Saciidoow waxaan kuu dhiibaynaa maamulka gobolka Ximsa". Saciid ayaa u celiyay: "Ilaah baan kugu dhaariyaye inaadan i fidnayn". Cumar ayaa carooday, wuxuuna yiri: "intaad mas’uuliyaddan qoorteeda saarteen ayaa ka dib iigaga cararaysaan!!, wallaahi ku dhaafi maayo".
SACIID OO KA MID NOQDAY GUDDOOMIYE-GOBOLEEDYADA DOWLADDA CUMAR:
Wixii intaa ka danbeeyay Saciid Binu Caamir waxaa madax looga dhigay magaalada Ximsa. Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: "miyaanan musha-haro kuu qoraynin". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maxaan ku sameenayaa amiirkii mu’miniintoow, maxaa yeelay waxaa iga badan lacagta aan ka qaato baytul-maalka". Sidiina ayuu Saciid ugu safray magaalada Ximsa.
WAANA AMIIR, WAANA FAQIIR!:
Muddo yar markay ka soo wareegatay muddadii uu Saciid xilka qabtay, ayaa waxaa amiirkii mu’miniintii ee Cumar Binu Khaddaab uga soo wafdiyay magaalada Ximsa wafdi, kuwaasoo ka mid ah kuwo uu Cumar ku kalsoonaa. Cumar Binu Khaddaab wuxuu wafdigiii ka codsaday inay u soo gudbiyaan liiska fuqurada ee deggan magaalada Ximsa.
Wafdigii waxay Cumar u gudbiyeen liiskii ay ku qornaayeen fuqurada/masaakiinta reer Ximsa. Dadkii masaakiinta ahaa waxaaba ku jira Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi oo ah duqa magaalada Ximsa.
Cumar ayaa wafdigii weydiiyay cidda uu yahay Saciid Binu Caamir, waxayna ugu jawaabeen: "waa amiirkeena!". Cumar ayaa markale wuxuu weydiiyay su’aashan: "amiirkiinu ma faqiir baa?!". Waxay ku jawaabeen: "haa", waxayna intaa raaciyeen in ay soo marto maalmo fara badan, iyadoo aan gurigiisa dab laga shidin!. Cumar ayaa aad uga fajacay arrintaasi, wuuna ooyay jeer ay ilmadii ka da’aysay ay ka qoysay garkiisa. Cumar wuxuu wafdigii u dhiibay lacag gaaraysa 1000 diinaar, wuxuuna lacagtii ku riday kiish, isagoo wafdigii ku yiri: "marka hore igu salaama Saciid, waxaadna ku tiraahdaan amiirkii mu’miniintii ayaa lacagtan kuu soo dhiibay si aad ugu kaalmeysato danahaaga khaaska ah".
REERO ADDUUNYO MA AHAYN:
Wafdigii waxay yimaadeen magaaladii Ximsa, waxayna u tageen Saciid, iyagoo ku wareejiyeen kiishkii ay ku jirtay lacagta. Saciid markuu arkay lacagtii wuxuu bilaabay inuu iska fogeeyo, isagoo oranayay: "Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, sida inay musiibo ku dhacday oo kale.
Afadii Saciid ayaa soo boodday kolkay maqashay Saciid, waxayna ku tiri: "maxaa kugu dhacay Saciid?!, ma amiirkii mu’miniintii ayaa dhintay?!". Saciid ayaa ugu jawaabay: "maya ee waxaa dhacay wax taa ka weyn". Waxay tiri: "ma muslimiintii ayaa dhibaato ku dhacday?!. Wuxuu yiri: "maya ee wax ka weyn taas ayaa dhacday". Waxay tiri: "maxaa taas ka weyn?!". Saciid ayaa yiri: "adduunyadii ayaa ii soo gashay, si ay u fasahaadiso aakhiradeyda, fidnadiina waxay degtay gurigayaga". Xaaskii Saciid iyadoo aanan fahmin hadalka Saciid ayaa waxay iska tiri: "isaga takhallus haddaba". Saciid ayaa weydiiyay afadiisa su’aashan: "arrintan ma igu kaalmaynaysaa?", waxayna ku jawaabtay: "haa".
Saciid wuxuu qaaday lacagtii oo dhan (kunkii diinaar ee uu Cumar u soo diray), dabadeedna wuxuu u qaybiyay masaakiinta muslimiinta. Run ahaantiina lacagtaasi aad ayuu ugu baahnaa isaga, maxaa yeelay ma haysan wakhtigaas arad iyo cunto ku filan, hase ahaatee wuxuu naftiisa ka doorbiday inuu daboolo baahida fuqurada muslimiinta iyo inuu iyaga la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay, si uu ugu sifoobo aayaddii qur’aanka ahayd ee ka hadlaysay arrintan.
MID KA MID AH TUSAALOOYINKA CADDAALADDA CUMAR:
Wakhti badan kama soo wareegan, jeer uu Cumar Binu Khaddaab ku yimaado kormeer magaalada Ximsa, isagoo doonaya inuu wax ka ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin reer Ximsa. (Arrintan waxay tusaale cad ka bixinaysaa caddaaladda Cumar iyo sidii uusan u kala saari jirin madaxda iyo shacabka, waxaana xaqiiqo ah in tusaalahani dunida maanta aan lagu arag, laga soo bilaabo madaxda iyo dowladaha dunida Islaamka, ku xiji kuwa iyaga sheegta caddaaladda iyo sinnaanta waa reer galbeedka’e.).
Markii uu yimid magaalada Ximsa oo markii hore la oran jiray: "Al-Kuweyfa" ayaa sidii caadada u ahaydba wuxuu salaamay reer Ximsa, isagoo su’aallo ka weydiiyay umuurta amiirkooda Saciid Binu Caamir oo ahaa amiirka magaalada.
AFAR QODOB OO LAGU SOO EEDEEYAY SACIID:
Dadkii waxay amiirkooda ku soo eedeeyeen afar qodob oo ka mid ah falalka uu sameeyo Saciid, taasoo midba midda kale ka daran tahay. Cumar wuxuu isugu yeeray dadkii iyo amiirkooda, wuxuuna Alle ka baryay inuusan hoojin malihii wanaagsanaa ee uu u hayey Saciid, maxaa yeelay si aan xad lahayn ayuu ugu kalsoonaa Saciid. Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa ay ku eedeenayaan amiirkooda, waxayna ku jawaabeen sidatan:
"Nooma soo baxo ilaa ay maalintu in badan ka tagto". Cumar ayaa wuxuu Saciid ku yiri: "maxaad ka leedahay arrinkan?. Saciid xooggaa ayuu aamusnaa, markaasuu wuxuu yiri: "ma aanan jeclayn inaan sheego sababta keentay arrintan, haddase waa lama huraan. Anniga ma lihi adeege ama khaadim, sidaa darteed subax kasta waxaan qasaa cajiinta, muddo yar ayaan u kaadiyaa oo sugaa, ka dib markuu khamiiro ayaan dubaa, dabadeedna waan weeseestaa, markaasna ayaan dadka u soo baxaa".
Cumar ayaa dadkii weydiiyay waxa kale oo ay ku eedeenayaan Saciid. Waxay yiraahdeen: "habeenkii cidna uma jawaabo". Cumar ayaa Saciid ku yiri: "maxaad ka leedahay hadalkaas?". Saciid wuxuu yiri, tanna ma aanan jeclayn inaan sheego, balse sababta aanan u soo bixin habeenkii ayaa ah, iyadoo aan maalintii siiyay iyaga (dadka), habeenkiina aan Ilaahay siiyay.
Mar kale ayuu Cumar dadkii weydiiyay: "maxaad kalood ka sheeganaysaan". Waxay yiraahdeen: "bishii maalin ayuusan noo soo bixin". Cumar ayaa Saciid weydiiyay sababta, wuxuuna Saciid ugu jawaabay: "ma lihi adeege amiirkii mu’miniintoow, dharna waxaan ka leeyahay lebiska aan qabo, sidaa darteed bishiiba hal jeer ayaan dhaqaa, waana sugaa ilaa inta uu ka qalalo, markaas ka dibna ayaan u soo baxaa".
Cumar ayaa dadkii ku yiri: "maxaad kalood ka sheeganaysaan?". Waxay yiraahdeen: "mararka qaarkood ayuu miyir beelaa". Saciid ayaa wuxuu yiri: "waxaan goob joog ahaa dilkii Khubeyb Binu Caddiyyi annigoo mushrik (gaal) ah. Waxaan arkay qureysh oo googooneysa jirkii Khubeyb, waxayna ku oranayeen markaas: "ma jeceshahay inaad nabad gasho, oo Nebi Muxammad (scw) joogo booskaaga", wuxuuna ku jawaabayay:"wallaahi ma jecli inaan reerkayga dhexdooda aan ku nabad qabo, Nebi Muxammad-na ay muddo qodax", anniguna markaan taas xasuusto dhacdadii maalintaas iyo sidii aanan ugu gaargaarin ayaa waxaan maleeyaa inuusan Alle (sw) ii denbi dhaafaynin, markaasna ayaan miyir beelaa".
Cumar Binu Khaddaab (rc) si farxad leh ayuu ugu farxay natiijadii dacwada, wuxuuna yiri: "waxaa mahad iska leh Allihii aanan hoojin malahayga", ka dibna wuxuu Saciid Binu Caamir u dhiibay 1000 diinar si uu umuurihiisa gaarka ah ugu kaalmaysto.
Afadii Saciid markii ay aragtay lacagtii, ayaa waxay tiri: "waxaa mahad iska leh Allihii khidmadaada nagu deeqay, ee waxaad noo soo iibisaa wixii aan u baahnayn, noona soo ijaar adeege noo shaqeeya". Saciid wuxuu afadiisii ku yiri: "ma doonaysaa wax taas kaaga kheyr badan". Waxay tiri: "waa maxay". Wuxuu yiri: "waxaan u dhiibanaynaa cid aan ka soo ceshan doonno goor aan aad ugu baahannahay". Waxay tiri: "waa kuma kaas". Saciid wuxuu yiri: "waxaan amaahinaynaa Alle amaah wanaagsan". Waxay tiri: "waa runtaa, Ilaahna kheyr ha kaaga abaaliyo".
Fadhigii uu Saciid fadhiyay kamaba dhaqaaqin, jeer uu lacagtii oo dhan ku guray kiishash ama qariirado, wuxuuna ku yiri mid ka mid ah ehelkiisa isagoo lacagtii u qaybinayya masaakiinta: "lacagtan waxaad u geysaa reerkii agoonta ahaa.., lacagtanna waxaad u geysaa islaantii garoobta ahayd.., lacagtanna waxaad u geysaa masaakiintii ina hebel ahaa...
Ilaah ha ka raalli noqdee Saciid Binu Caamir Al-Jumaxi wuxuu ka mid ahaa dadka naftooda ka doorbida walaalahooda kale, haba ugu baahi badnaato naftiisa sheygaas. Ilaah waxaan ka baryaynaa inuu u naxariisto Saciid Binu Caamir, innagana ina siiyo tusaalihiisii deeqsinimo, cabsi iyo caddaaladeedba. aamiin.

No comments: