"NIN INDHO LA’ OO EEBBE (SW) ISAGA DARTIIS KU SOO DEJIYAY 16 AAYADOOD, KUWAASOO LA AQRIYAY, LANA AQRIN DOONO LABADII CUSBAA INTAY KA SOO LAABTAAN (HABEENKA & MAALINTA)"
(9)
Waa kuma saxaabiga isaga dartiis Nebiga looga canaantay toddobo samo korkood, canaantaasoo ahayd tii ugu adkeyd uguna xanuunka badnayd?!!. Waa kuma saxaabiga isaga dartiis uu malakul-Jibriil (cs) ugu soo daadegay qalbiga Nebigeenna Muxammed (scw) isagoo xagga Rabbi(sw) ka waday waxyi qur’aan ah. Saxaabigaas qiimahaas iyo maamuuskaas weyn lihi waa Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, kaasoo ahaa kii u addimi jiray Rasuulka (scw).
Cabdullaahi Ibnu Maktuum Ilaah ka raalli noqdee, wuxuu ahaa reer Makaad, wuxuuna ka dhashay qabiilka Qureysh. Wuxuu Rasuulka (scw) la ahaa xidid, maxaa yeelay afadii uu Rasuulka (scw) qabay ee la oran jiray Khadiija Bintu Khuweylid ayaa waxay ahaayeen ilmo abti iyo ilmo eeddo laxmi ah. Cabdullaahi Ibnu Maktuum aabihiis waxaa la oran jiray Qays Binu Zeyd, hooyadiisna Caatika Bintu Cabdillaahi, waxaana loogu yeeri jiray Ummu Maktuum, maxaa yeelay waxay Cabdullaahi dhashay isagoo indho daboolan oo indho la’.
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu la kowsaday kolkii uu Nuurka Islaamka ka bishay magaalada Makka, isagoo uu Eebbe (sw) ku iftiimiyay laabtiisa hanuunka iimaanka iyo islaamka, wuxuuna ka mid ahaa asxaabtii ugu horeeyay ee qaata diinta Islaamka. Islaamidda uu Cabdullaahi soo islaamay wuxuu kala kulmay jirdil iyo dhibaato, taasoo uu ka siyaadsaday ku sugnaasho iyo ku adkeysi uu ku adkeysto qanaacadiisa Islaamka. Hagardaamo iyo dhibaatooyin fara badan ayuu kala kulmay gaaladii Qureysh, hase ahaatee waxaasoo dhibaato ah ma ayan tabardareynin oo ma daciifin iimaanka iyo xamaasadda Cabdullaahi ee uu Islaamka u hayay. Balse, waxay arrimahaasi oo dhammi u kordhisay inuu sii qabsado ku dhaqanka kitaabka Alle, dhinaca kalena uu korosado aqoonta la xiriirta guud ahaan shareecadda Islaamka iyo sidoo kale inuu u jiheesto xaggaa iyo ku camalfalka hanuunka Rasuulka (scw).
Jaceylka Cabdullaahi uu u qabay Rasuulka (scw) iyo dadaalka uu ugu jiray barashada iyo xifdinta qur’aanka kariimka ahba waxay gaartey, inuu fursad kasta uu u maro sidii uu arrintaas uga faa’iideysan lahaa. Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) aad iyo aad ugu dadaali jiray sidii ay u soo islaami lahaayeen madaxda qureysh, sidaa darteed ayaa maalin maalmaha ka mid ah, wuxuu Rasuulka (cw) la kulmay qaar ka mid gaaladii sida aadka ah u cadaadin jirtay muslimiinta, sida Cutba Binu Rabiica iyo walaalkiis Shayba Binu Rabiica iyo Camr Binu Hishaam, loona yiqiinnay Abuu Jahal iyo Umayata Binu Khalaf iyo Waliid Binu Al-Muqiira oo ahaa Khaalid Binu Waliid aabihiis.
Markey arrintu halkaas mareyso, wuxuu Rasuulka (scw) bilaabay inuu u jeediyo gaaladii wacdi, isla markaasna uu u soo bandhigo bal inay soo islaamaan., isagoo aad ugu rajo weynaa Rasuulka inay soo islaamaan, ama haddii kale ay joojiyaan dhibaatada ay muslimiinta ku hayaan. Isagoo Rasuulka (scw) sii wato hadalka, ayaa waxaa u yimid Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum oo markaas ka dalbayay Rasuulka inuu u akhriyo aayad qur’aan ah, isagoo leh:
"Rasuulkii Alloow waxaad i bartaa qaar ka mid ah wixii uu Eebbe (sw) ku baray". Hase ahaatee, Rasuulka ma uusan dhugan xaggiisa oo wuu ka jeestay oo weji kuduudiyay, isagoo u leexday dhinacii ay jireen kooxdii uu la hadlayay ee qureysh, wuxuuna sidaas u sameenayay isagoo ku rajo weynaa bal inay soo islaamaan, oo markaasna islaamkooda ay diinta Islaamka u keento cisso iyo taageerada dacwada Rasuulka (scw). Hadalkii uu Rasuulka (scw) u jeedinayay nimankii qureysh maba uusan dhammaynin, mana doonin inuu aado reerkiisa, jeer uu Alle qabtay qaar ka mid aragtadiisa, wuxuuna dareemay dareen ah sida isagoo la garaacayo madaxiisa oo kale. Intaa dabadeed, wuxuu Alle korkiisa ku soo dejiyay aayadahan qur’aanka ah ee ku jira biloowga suuradda Cabasa:
"Wejiguu uruuriyay oo jeestay (waa Nebiga), inuu u yimid kii indhaha la’aa darteed. Maxaad ka ogtahay inuu u dhow yahay inuu hanuuno oo daahir noqdo. Ama uu waansamo, oo markaas waanadu anfacdo. Ruuxii is deeqtoonaysiiya, Ma diga ayaa u bambixi, Maxaa kaa saaran hadduusan hanuunin. Ruuxiise kuu yimaada isagoo degdegi, Oo Eebbe ka cabsanaya, Miyaad ka shuqloomi, Sidaas ma ahan ee aayaduhu waa waano, Ruuxii doona wuu ku waano qaadan, waxayna dhex ahaatay xaashiyo sharaf leh (looxal-maxfuudka), lana koryeelay oo la daahiriyay, ayna ku jiraan gacmo kuwo sufaro ah (malaa’igta), kuwaasoo sharaf iyo dhego nuglaan leh".
Waa lix iyo toban aayadood oo uu la soo degay malaga Jibriil (cs), isagoo ku tuuray qalbiga Nebi Muxammad (scw), aayadahaasoo ku saabsanaa arrintii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waana aayado la aqrin doono laga soo bilaabo xilligii ay soo degeen ilaa iyo maalinta aynu hadda joogno. Sidaas ayaana loo aqrin doonaa ilaa uu inta Alle ka dhaxlayo dunida iyo waxa dul-saaran dhammaanteed.
Wixii maalintaas ka danbeeyay, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa kii aad u maamuusa oo u qaddariya Cabdullaahi kolkuu u yimaado. Wuu soo dhoweyn jiray haddii uu u yimaado, arrimahiisa ayuu la socon jiray, wixii uu u baahan yahayna wuu u fulin jiray. Taasina la yaab ma lahayn, maxaa yeelay isaga daraadiis ayuu Eebbe (sw) uga soo canaantay Rasuulkiisa toddobo cir korkood, canaan tii ugu adkeyd, uguna qallafsanayd. Gaaladii Qureysh markii ay mar kale soo laba-kacleeyeen dhibaatadii ay ku hayeen Rasuulka (scw) iyo mu’miniinta, ayna darraatay dhibkooda ayuu Rasuulka (scw) wuxuu u ogolaaday muslimiinta inay u haajiraan magaalada Madiina. Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum wuxuu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Alle dartii u haajira, isagoo diintiisa la cararaya.
Cabdullaahi oo uu weheliyay saxaabiga jaliilka ah ee la yiraahdo Muscab Binu Cumeyr (goor hore ayuu islaamay, wuxuuna ku dhintay isagoo shahiid ah dagaalkii Uxud) ayaa waxay ahaayeen asxaabtii ugu horeeyay ee yimaada magaalada Madiina. Markii uu Cabdullaahi yimid magaaladii Madiina, maba uusan sii joogin jeer isaga iyo Muscab ay durbadiiba ka bilaabeen gudbinta dacwada Islaamka, iyagoo dadka bari jiray qur’aanka iyo guud ahaan cilmiga diinta Islaamka.
Kolkii uu Rasuulka (scw) yimid magaalada Madiina, ayaa wuxuu magacaabay Cabdullaahi Ibnu Maktuum iyo Bilaal Ibnu Rabaax si ay u addimaan, lana jahraanna oraahda kalimadda tawxiidka maalin kasta 5 jeer. Waxay dadka ugu yeeri jireen camalka kheyrka, iyagoo dhinaca kalena dadka ku baraarujin jiray liibaanta. Bilaal ayaa addimi jiray, Cabdullaahina wuxuu aqimi jiray salaadda. Amaba waxaa dhici jirtay mararka qaarkood inuu Cabdullaahi addimo, Bilaalna uu salaadda aqimo. Nebiga (scw) aad iyo aad ayuu u maamuusi jiray Cabdullaahi, maamuusiddaasina waxay gaartey inuu Rasuulka (scw) uu magaalada Madiina uga tago Cabdullaahi Ibnu Maktuum, marka uu safarka dhowrka iyo tobanka maalmood uga maqan yahay dibadda magaalada. Maqnaanshahaas midkood waxayba ahayd maalintii uu Nebiga (scw) furanayay magaalada Makka.
Dagaalkii Badr ka dib, wuxuu Alle (sw) ku soo dejiyay Nebigiisa aayado qur’aan ah, oo uu Ilaah ku kor yeelayo darajada mujaahidiinta, isagoo ka fadilaya kuwa aan gelin dagaalka jihaadka si uu ruuxa jihaadiyo uu u sii jeclaado jihaadka, dhinaca kalena uu arrintaa ka biyo-diido kuwa iyaga ka fariistay goobta jihaadka. Aayadahaas waxay saameeyeen Cabdullaahi, isagoo dhibsaday inuusan ka qayb qaadan fadligaas weyn ee aayaddu sheegtay. Sidaa darteed Cabdullaahi wuxuu u yimid Rasuulka (scw), isagoo ku yiri hadalkan:
"Rasuulkii Alloow haddaan awoodi lahaa, waan jihaadi lahaa", dabadeedna wuxuu si qalbi qushuucsan u baryay Alle, isagoo yiri: "Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga", Ilaahayoow waxaad soo dejisaa cudur daarkayga".
Yaaba ka dhaqsiinyo badnaa in la aqbalo ducadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Zeyd Binu Thaabit (rc) oo ahaa qoraagii waxyiga Nebiga (scw) ayaa wuxuu yiri: " waxaan fadhiyay Rasuulka (scw) agtiisa, waxaa Rasuulka dabooshay xasilooni, bowddadiisa ayaa ku dul dhacday bowddadayda, mana arag wax ku culeys badnaa bowddadii Rasuulka, dabadeedna culeyskii waa laga qaaday, wuxuu yiri: qor Zeydoow, waxaan qoray:, ma sinna kuwa dagaalka jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah iyo kuwa ka qayb galay jihaadka"
Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ayaa istaagay, markaasna yiri: "Rasuulkii Alloow, ka waran ruuxa aan awoodin inuu jihaado?!" Hadalkii Cabdullaahi maba uusan sii dhameystirin jeer haddana Rasuulka (scw) ka daboosho xasilooni kale, bowddadii Rasuulka ayaa ku dhacday bowddadayda, waxaana dareemay culeyskii hore oo kale, dabadeedna wuxuu yiri: qor Zeydoow. Waxaan aqriyay wixii aan qoray, oo ahaa: "ma sinna kuwa jihaadka ka fariistay ee mu’miniinta ah". Rasuulka (scw) ayaa yiri, waxaad qortaa: "aan ka ahayn kuwa dhibban". Waxaa soo degtay ka soo reebaddii dadka naafada ahaa, taasoo uu in badan jeclaan jiray Cabdullaahi. In kasta oo uu Eebbe (sw) ka cafiyay Cabdullaahi iyo dadka la midka ah ka qayb galka goobaha dagaalka, haddana nafta Cabdullaahi ee mar waliba hiigsata meesha sare ayaa waxay ka biyo diidday inay ka fariisato ka qayb galka goobaha jihaadka. Wuxuuna go’aan adag ku gaarey inuu ka qayb qaadan doono jihaadka.
Maxaa yeelay, dadka sar sare ma damcaan, waxaan ka ahayn waxyaabaha waaweyn. Wixii maalintaa ka danbeeyay, wuxuu Cabdullaahi ku dadaalay inaynan dhaafin duulimaad ama dagaal la qaadayo, wuxuuna naftiisa ugu qoondooyay goobta dagaalka howl gooni ah. Wuxuu oran jiray: "waxaad i istaajisaan bartamaha labada saf dhexdooda, waxaadna ii dhiibtaan calanka si aan idiinkugu qaado, una xafido, maxaa yeelay waxaan ahay ruux aanan wax arag oo markaa aan awoodin orod iyo baxsi kale.
Sannadkii 14aad ee hijriga ayaa wuxuu Cumar Binu Khadaab go’aan adag ku gaaray inuu ciidamada ku qaadi doono dagaal adag oo daba-geddiya dowladda Furus, isla mar ahaantaana tirtirtana boqortooyadooda, isla mar ahaantaana waddada u furta ciidamada muslimiinta. Cumar Binu Khadaab wuxuu guddoomiye-goboleedyadiisa u qoray qoraalkan uu ku leeyahay: "yaan laga soo tegin ruux haysta hub ama faras, amaba ruux geesi ah ama yaqaana tabta dagaalka, idinkoo markaas ii soo diraya dhinacayga, dhaqsada oo dhaqsada".
Muslimiintii oo dhan ayaa hal mar ajiibay amarkii Cumar, iyagoo dadkii dhan isugu yimid magaalada Madiina meel kasta. Dadkaas faraha badnaa ayaa waxaa ku jiray Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum ee indhaha la’aa. Ciidankii dagaalka wuxuu Cumar madax uga dhigay saxaabiga qiimaha badan ee Sacad Binu Abii Waqaas, isagoo u jeediyay dardaaran, sogeetiyayna. Ciidankii markii uu soo gaarey meesha la yiraahdo Al-qaadisiyah, ayaa waxaa soo baxay Cabdullaahi oo lebisan dirac dagaaleedkiisii (qalab la isaga difaaco hubka/seefaha), dhinaca kalena wuxuu dhammeystirtay u diyaar garowgiisii dagaalka, naftiisana wuxuu u rashaxay inuu xanbaaro calanka muslimiinta iyo inuu xafido. Labadii ciidan ayaa waxay dagaalamayeen saddex maalmood oo qallafsan..
Waxay u dagaalameen labadii ciidan si aynan taariikhdii furushada hadda ka hor wax la mid ah aynan u dhicin, jeer ay muslimiintii markii danbe ay uga soo hoyato goobtii dagaalka guul aad u weyn, halka gaaladii Furus dowladdoodii ugu weynayd lagu ciribtiray goobtaas. Boqortooyadii Furus waa la ciribtiray. Dhulkii gaalada waxaa lagu koryeelay calankii towxiidka. Goobtii dagaalka waxaa ku le’day oo ku shahiiday boqolaal ka mid ah muslimiinta, waxaana ka mid ahaa shuhuddadaas Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum. Waxaa la helay isagoo dhiigiisa ku dhex jiifa, isla markaasna ku dhegan calankii Mulimiinta. Halkaas waxaa ku dhammaatay sheekadii Cabdullaahi Ibnu Ummi Maktuum, waxaan Illaah ka baryaynaa inuu u naxariisto isaga iyo dhammaan asxaabtii diintaan u soo halgantay.
No comments:
Post a Comment